Dhageyso: Muuse Ganjab oo ku dhaartay in Q.M ay Ku been Abuuratay

Ganacsade Muuse Xaaji ganjab oo ka mid ah Tujaarta Soomaaliyeed ee kunool Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu si toos ah uga jawaab celiyey Eedeyn ay usoo jeedisay Qaramada Midoobey.

Ganacsade Muuse Ganjab ayaa Bilo ka hor waxa warbixin ay soo saartay Kooxda Dabagalka uqaabilsan Qaramada Midoobeey Cunuqabateynta Hubka ee Saaran Dalalka Soomaliya & Ereteria ee Monitoring Group la yiraahdo ayaa ku Eedeeysay Muuse Ganjab inuu xiriir la leeyahay Ururka Al Shabaab.

museganjab

Waxay Warbixintaasi sheegeysay in Ganacsade Ganjab uu Hub ay dawladu lahayd uu ka iibiyey dhinaca Al Shabaab.

Muunse Ganjab ayaa been abuur ku sheegay inuu isagu Hub ka iibiyey Al Shabaab uuna been yahay wax xiriir la leeyahay Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale Ganacsadahaan la Eedeeyey ayaa sheegay inuusan weligiis wax hub ah u gudbin dhinaca Al Shabaab Hub ay Dawlada leedahayna uusan arkin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MU– USE GANJAB OO U WARAMAY IDAACADA VOA-DA LAANTEEDA AFKA SOOMAALIGA AH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here