Dhageyso: Muungaab “Qof Xoog Gurigiisa lagu heysanayo ma jirto Xamar”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Muungaab
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Muungaab

Isagoo Wareysi siinayey Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janeraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayuu kaga hadlay Arimo kala duwan.

Waxa uu ugu horeyn ka hadlay Muungaab kusaabsan Dhulalka la kala heysto Magaalada Muqdisho.

Muungaab ayaa sheegay in Maamulkiisa intuu shaqeynayey ay ku guuleysteen dad guryahooda laga heystay ay dib ugu celiyaan isagoo fariin udiray dadka guryaha ka maqan inay yimaadaan oo ay lasoo xiriiraan.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho Janeral Muungaab oo Wareysigaan ku bixiyey Dalka Denmark ayaa sheegay in ay run tahay bur bur inuu ku yimid Waddooyinkii ay dhiseen Turkida islamarkaana ay Baalayaashii Muqdisho lagu ifinayey ay qaarkood dameen waxaase uu ballan qaaday inay arintaasi ku dadaalayaan sidii loo Xalin lahaa.

 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN IDIIN DIYAARINAY

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here