Dhageyso: Musharaxiinta Puntland oo qaadacay guddiga khilaafaadka ee Faroole magacaabay

Musharixiinta Puntland
Musharixiinta Puntland

Musharaxiinta afarta ah ee u taagan madaxtinimada Puntland ee Garoowe jooga ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, waxayna kala

“Waxaan halkaan ka cadaynaynaa sida horay aan u sheegnay in lagu heshiiyey in guddigaas si wadajir ah loo magcaabo, lagalana tashado musharaxiinta madaxweynuhu ka mid yahay, isimada. Waxgaradka iyo bulshada rayidka ah.” Ayuu yiri Musharax Cali Xaaji warsame.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo hadalkiisa siiwatay ayaa yiri  “Waxaan halkan ka cadaynaynaa inanan guddiga aqoonsanayn, madaxweynuhuna uusan sharci u halayn asaas ahaan, annaguna waxaan ku heshiinay inaan soo magcowno guddi cusub oo aan kala tashanayno musharaxiinta uu madaxweynuhu ku jiro.”

Musharaxiinta ayaa si cad u sheegay in ay talaabo ka dhan ah magcaabista madaxweynaha ay maalmaha fooda nagu soo haya qaadi doonaan, iyagoo keenaya guddi balaaran oo ah guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ma aqoonsanin guddiga madaxweynuhu magcaabay mana oggolaanayno.” Sidaas waxaa shirka jaraa’id ka sheegay Musharax Maxamed Cabdinuur oo ka mid ah tartamayaasha Garoowe jooga.

Afarta Musharaxiinta ee qabta shirka jaraaid oo kal ah 1- Cali Xaaji warsame 2- Maxamed Cabdinuur  3-Cabdulaahi muuse Aw-cali, iyo  4-Cali Xaaji Cabdulle

Xigasho Daljir

Dhageyso Shirka Ja’raaidka ee afarta Musharxiint

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here