Dhageyso: Muran ka taagan meesha Shirka Gobollada Dhexe ka dhacayo

Shalay waxa magaalada Muqdisho saxaafada kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid) isagoo sheegay in shirka Maamul usameynta Gobollada Dhexe uu dhawaan ka furmi doono Magaalada Cadaado ee Xarunta Ximan iyo Xeeb.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa udiyaar garoobay qabashada Shirkaasi maamul usameynta Gobollada Dhexe kuwaasi oo ay sheegeen mas’uuliyiintooda inay wax walbo ku dadaalayaan sidii la rabay inay udhacaan.

qasrigadm-89

Dhinaca Kale Magaalada Dhuuso mareeb iyana waxa laga qaban qaabiyey Hool loogu talo galay in lagu qabto shirka Maamul usameynta Gobollada Dhexe sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka G/gaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo dhuuso mareeb saxaafada kula hadlay sheegayna inay udiyaar garoobeen shirkaasi qabashadiisa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYE CIRFO

Waxaa hadda la dareemayaa muran inuu ka taagan yahay halka lagu qabanayo shirka Maamul usameynta Gobollada Dhexe waxaana la ogaan doona meesha guuleysata ma cadaado mise dhuuso mareeb?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here