Dhageyso: Maxamuud “Xasan Shiikh Wadadii C/llahi Yuusuf ayuu ku Socdaa”

micraphone

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed Nuur Caalin oo ka mid ah Aqoonayahanada Soomaaliyeed ee Kusugan Dalka Finland Caasimadiisa Helisink ayaa waxa uu ka hadlay Xiisada cusub ee Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in mar kasta Madaxweynayaashii Soomaaliya Soo Maray iyo R/wasaarayaashii ay is qaban jireen isagoo dhinaca kale fariin udiray Madaxweynaha.

Maxamuud Nuur Caalin ayaa wareysi uu siiyey Idaacada Dalsan waxa uu sheegay in Shacbaka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Madaxweynaha uu udaneeyo uusana qaadan talada uu bixinayo Wasiir Faarax C/qaadir.

Sidoo kale Aqoonyahan Caalin ayaa sheegay inuu isaga u qabo fikirka ah in hadii uusan khaladaadka hadda jira sixin Xasan Shiikh uu raaco wadadii lagu riday Marxuum Cabdullaahi Yuusuf xilligii uu ka haa madaxweynaha Somaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSI DHEER OO AQOONYAHANKAASI LAGA QAADAY

2 COMMENTS

  1. NIN XILQAADAY EED QAAD.

    waxaa noo muuqata maalmahaan khilaaf dhexyaala labada masuul ee wadanka ka talisa, kaas oo laga fahmaayo inuu muddo soo jiitamaayay laakiin hada soo shaac baxay.

    waxaa la yiraahdaa gari laba nin kama wada qosliso marka waxaan shaki ku jirin in labada masuul mid qaldanyahay midna garmaqaate yahay.

    shacabka soomaaliyeed kuligiis qaanuun yaqaan ma aha laakiin qof walba caqligi illaaheey siiyay ayaa ku filan sidaas darteed waxaa maanta cad in ra.iisulwasaaruhu ku fududaaday khilaafkaan oow dhaliyay goortaan xasaasiga ah.
    waxaan su,aalayaa ra,iisulwasaaraha yaa dani ugu jirtaa maanta khilaafka adiga iyo madaxweeynaha idin dhexyaal?
    maxaa kuugu kalifay waqtigaan wadanki dagaal ku jiro inaad qalqal dhaliso?
    maxaa kuu diiday hadaad qalad ka tirsatay madaxweeynaha inaad la raadsato dad wadaniyiin ah si aad u badbaadiso shacabka soomaaliyeed? mase inaad aar goosato ayaa ka qaymo badan karaamada shacabkaada iyo dhulkaada aaway dulqaadki lagu yaqiin masuulka wadaniga ah?

    kama dambeeynti waxaan halkaan risaalo uga dirayaa madaxweeynaha anigoo ka dalbanaayo in hadii qalad xagiisa ka jiro oow isi saxo
    si loo badbaadiyo wadanka sharaftiisa hadoowse saxanyahay ee ow awoodo inuu maslaxo keeno isagoon marna ka tanaasuleeyn karaamada madaxweeynuhu leeyahay, waa inuu raadiyaa taas hadii intaas la waayo waa in qaanuunka lagu kala baxo.

    alloow sahal amuuraha adigaa awood lehe.

  2. a/Yusuf kuma taagney wado sax ah waayo hadii aad fiiriso qaladaadka uu galey abdi weli waxaa kuu soo baxayso in uuu dayacay amnigii caasimada iyo gobolada ku dhawaw waad la socotaa in uu ku fashilmey in uu wax ka qabto khilaafadka kismaayo iyo baydhabo waayo r/w waa he.ada fulinta wuxuuu keyb ka noqdey loolalankii qabiilka asagooo aan qof talo ka qaadan waayo waa nin ila weyn kibir sharciga iyo dastuuska kuma dhaqmo wuxuuu gala heshiishyo aan barlamaanka ka keenin kuwiiii uGu muhiimsanaa wadanka wuxuuu u horseedey in uu u noqdo 1990 in federaalkii wadadii saxda aheyd laga leexiyey in koox gaar ah wax walbo la siiyey iyadooo deegaanadii kale wax shaqo aan laga qaban waa wadadiii uuu marey marxuum a/Yusuf waayowuxuu isku arkaayey in uu sharciga ka weyn yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here