Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan oo fariin Udiray Axmed Madoobe

Isagoo ka hadlayey Shirka Magaalada Garbahaareey ayuu sheegay Maxamuud Sayid Aadan ayuu si kulul uga hadlay Hadal kasoo baxay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Waxa uu Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan sheegay in ay ka xun yihiin war uu sheegay Axmed madoobe oo ahaa in baarlamaan loo sameynayo Maamulka Jubba uu isagu madaxda ka yahay waxaana Maxamuud Sayid Aadan sheegayaa in hadii arintaasi maamulkaasi uu ku dhaqaaqo ay keeni doonto Xaalad Siyaasadeed oo kasii holacda gobollada Jubbooyinka.

Maxamuud-Sayid-Aadan

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay Axmed Madoobe inuu garwaaqsado in Gobollada Jubbooyinka lala leeyahay uusan isaga kaligiis isku arkin inuu Xukumo deegaanadaasina sida uu doono ka yeesho waa sida uu hadalka udhigaye.

Waxa uu Siyaasiga hadalkiisa intaa ku daray inay dawlada Soomaaliya ugu baaqayaan inay Arintaan soo faro geliso maadama ay sababi karto hadii ay Maamulka Jubba sameystaan Baarlamaan ay colaad ka abuurmi karto deegaanada Jubbooyinka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SIYAASIGA MAXAMUUD SAYID AADAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here