Dhageyso: Maxakamada Oo Go’aan Ka Gaartay Milkiilaha Idaacad Shabeele

946101_550097895074342_2106258337_n

Maxakamada oo go’aan ka gaartay arin ku saabsaney haweeney sheegatay in la kufsaday iyo wariyihii soo abaabulay qorshahaas.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun hal sano ah ku riday Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud oo lagu soo eedeeyay aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, iyadoo wariyihii wareystay haweeney sheegatay in la kufsaday ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa waxay lix bilood oo dibad joog ah ku xukuntay Gabadhii sheegatay in la kufsaday oo lagu magacaabo Faadumo C/qaadir, kadib markii

Kiiska la xiriiray kufsiga ayaa xeer ilaalintaa sheegtay in la been abuuray, waxaana Maxkamada la horkeenay cadeymo kala duwan iyo marqaatiyeyaal, iyadoo ugu dambeyn soo afjartay kiiskan ku saabsanaa kufsiga.

Xukunadan lagu riday Milkiilaha Shabelle iyo Wariye Maxamed Bashiir ayay Maxkamada sheegtay in la iibsan karo, iyadoo maalintii ay bixinayaan lacag dhan labaatan kun shilinga Soomaali lagu iibsan karo.

Arintan ayaa u muuqato mid aan qiimo badan ku fadhin xukunka lagu riday sababtoo  ah wey iibsan karaan lacagta ay ku iibsan karaa waa  labaatan kun shilinga Soomaali maalintiiba waa wax aan u qalmin dhibaatadii ay u geesteen wariyaha iyo wax yaabaha kale ee lagu so eedeyeeay, tani waxay wadada u fureysaa in danbiyo la galo hadana la iibsado markii qofka la xukumo taas uu murugu ku noqoneysa qofkii danbiga laga galay iyo reerkooda.

Ra’yigaagana ka soo dhiibo.

Dhageyso Qaabka Dacwada U dhacday oo Dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here