Dhageyso: Maxaa Dib udhigay dhisida Maamulka Gobollada Dhexe?

axmedIyadoo la filayey dhawaan lagu waday in lagu dhawaaqo Maamul usameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo hadda ay dhowr murashax isku soo taageen hogaaminta Maamulkaasi.

Gudiga Farsamada Maamul Usameynta Gobollada Dhexe ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha keenay in dib udhac ku yimaado Ergada lagu casuumay Shirkaasi ay tagaan Cadaado oo la filayey inay shalay Khamiistii Tagaan.

Cowke Xaaji C/raxmaan oo ka mid ah Xubnaha Gudiga Farsamada Maamul Usameynta Gobollada Dhexe ayaa waxa uu sheegay inay sababta ugu weyn ee dib udhaca keentay tahay Madaxweyne Xasan oo safar dibada ugu maqnaa oo codsaday in dib loo dhigo Shirkaasi iyo Xubno katirsan Beesha Caalamka oo iyaguna mashquul ay galeen dalbaday dib udhigista shirkaasi.

Cowke ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku rajo weyn yihiin shirka qaban qaabadiisa ugu dambeysa laga bilaabo degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud islamarkaana ay murashaxiinta iskugu tagi doonaan Cadaado iyo Ergada kale ee shirka lagu casuumay.

Maamul ayaa loo sameynayaa Gobollada G/gaduud iyo Mudug kaasi oo loogu magac darayo Maamulka Gobollada dhexe ee Dalka iyadoona dhowr murashax ay xilkaasi isku soo taageen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA COWKE XAAJI C/RAXMAAN OO KA MID AH GUDIGA MAAMUL USAMEYNTA GOBOLLADA DHEXE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here