Dhageyso: Mas’uuliyiinta B/burde lagu Xiray oo Hadlay

micraphoneXalay waxa Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliyeed ay shaaciyeen in la xabisay Gudoomiyihii Degmada Buula burde C/casiis Duuroow Cabdi iyo Duqa Degmadaasi Cusmaan Geedi Cilmi.

Hadaba waxa Saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Degmada Buula burde Cabdi Casiis Duuroow isagoo xaqiijiyey inuu yahay Xabsi guri ayna been abuur tahay wararka sheegaya inay musuq maasuq sameeyeen.

Sidoo kale waxa isna saxaafada la hadlay Duqa Degmada Buula Burde Cusmana Geedi Cilmi waxaana uu sheegay inay ka xun yihiin xabsi guriga laga dhigay iyagoo aysan wax dambi ah gelin.

Cusmaan Geedi ayaa sheegay in Raashinkii Mucaawimada sidii loogu talo galay uqeybiyeen taasina ay marqaati ka yihiin AMISOM oo Xeryahooda la geeyey markii la qeybinayeyna ay iyagu goob joog ahaayeen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN CABDULLAAHI DIYAARIYEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here