Dhageyso: Malkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik oo Lasii daayey

IMG_4F7D44-2561FD-8837EB-1F2062-DF367C-EC58A5

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa waxay dacwad kusoo oogtay Malkiilaha Idaacada Shabelle iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan waxaana maanta la hor keenay Maxkamada Gobolka Banaadir.

Inkastoo wariye Axmed Cabdi Xasan isagu dacwadiisa aan lagu dheeraan ayaa hadana Malkiilaha Radio Shabelle C/maalik Yuusuf waxa uu wajahay Su’aalo Eeda loo soo jeediyey isagoo ku jawaabay waa been waxa la ii soo jeediyey.

Waxa Xeer ilaalinta laga codsaday cadeymo dheeraad ah in lasoo bandhigo dacwadana dib loo dhigay iyadoo Wariye Axmed Cabdi Xasan dib loogu celiyey Xabsiga iyadoo Malkiilaha Radio Shabelle laga reebtay Dhalashada Ingiriiska uu watay damiina lagu sii daayey.

Abuukaato Cali Xalane oo isagu udoodayey Malkiilaha Idaacada Shabelle ayaa waxa uu saxaafada usheegay in laga ogolaaday in damiin Magaalada Muqdisho uu ku joogo C/maalik Yuusuf Maxamuud welina ay dacwadiisa socon doonto inta uu Xor unoqon doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA ABUUKAATO CALI XALANE

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here