Dhageyso: Madoobe Nuunow “Kuma Biireyno maamulka Shariif Xasan”

madoobe-NuunowMaamulka Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa waxay ka hadleen wararka sheegaya in wada hadal ay la fureen Maamulka Seddexda Gobol ee Shariif Xasan Hogaamiyo.

Ugaas Maxamed oo ah Afhayeenka Maamulka Lixda Gobol ee Madoobe Nuunoow hogaamiyo ayaa waxa uu sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in ay wada hadal la fureen Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Waxa uu Afhayeenku sheegay inaysan waxba kala socon wararka sheegaya in Gudoomiye Jawaari uu wado qorshe labada maamul la isku soo hor fariisinayo.

Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inaysan marnaba ogolaan doonin inay ku biiraan maamulka Seddexda Gobol ee Shariif Xasan dhawaan udoorteen in madaxweyne ka noqdo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA UHADLAY MAAMULKA LIXDA GOBOL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here