Dhageyso: Madaxweyne Xasan & Waayihiisii Qorista Af Somaliga

Madaxweyne-Xasan-512x264Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay wadadii lala soo maray Qorista Farta Soomaaliga.

Xasan Shiikh oo hadda Ah Hogaamiyaha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed maanta oo kale Sanadkii 1973-kii waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii loo diray inay Gobollada Dalka Gaarsiiyaan Farta Soomaaliga oo qoristeeda la bilaabay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan in xilligaasi lala dagaalamayey Qoris La’aanta Afkeena Hooyo oo wakhtigaasi wixii ka dambeeyey lagu guuleystay in dadka ay qoraan Afka Soomaaliga.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay 2% aysan dadka qori jirin Farta Soomaaliga laakiin markii ay iyagu ku faafeen Gobollada ay gaartay in 55% ay dadka Af Soomaaliga Qoraan taasi oo guul ay horseed unoqdeen aheyd.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here