Dhageyso: Madaxweyne Xasan “Federalku waa midnimada Dadka”

Isagoo kDSC09568a hadlayey Madaxweynaha Dalka munaasabad ka dhacday Shalay Arbacadii ayuu baaq udiray Odayaashii soo doortay Shariif Xasan Shiikh Aadan inay soo dedejiyaan soo dhisida Baarlamaankii uu yeelan lahaa maamulka Seddedxda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu sheegay in odayaashaasi hadda ay wajahayaan howl adag lana ogaan doono shaqadii ay soo qabteen tijaabadeeda in Baarlamaanka ay soo dhisayaan ku xiran tahay inay guuleystaan iyo in kale.

Hogaamiyaha Dalka Somaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Nidaamka Federaalka Somaliya isagoo sheegay mid isku keenaya Shacabka Soomaaliyeed midnimadana xoojinaya.

Aqoonyahan Cabdulle Saneey Cumar oo maamulka Shirkada Farjano katirsan Magaalada Jowhar ayaa dhawaan Idaacada Asal usheegay in Federaalku yahay mid dadka faa’iido ulaheyn inuu wax qaribo mooyaane.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN CABDULLAAHI INOO DIYAARIYEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here