Dhageyso: Madaxweyne Gaas “Saraakiil Al Shabaab ah ayaan Nolol ku heynaa”

Raysal Wasaare GaasMadaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa shir jaraa’id gelinkii dambe ee manata ku qabtay Magaalada Garowe isagoona guulo ka sheegtay dagaal seddexdii maalin lasoo dhaafay ka socday Buuraha Gal gala.

Dagaalka waxa uu madaxweyne Gaas sheegay inay ku qabsadeen deegaano badan oo Al Shabaab kusugnaayeen isagoo hadalkiisa intaa raaciyey in dagaalkii lasoo afjaray.

Mudane Cabdiweli Cali Gaas waxa uu sheegay in ciidankooda ay ku jebiyeen dagaalka Ururka Al Shabaab taasi oo keentay buu yiri in 20 laga dilo 30 kabadana laga dhaawaco saraakiil caan ka ahaana gacanta looga dhigo iyagoo maxaabiis ah iminkana Puntland ay heyso.

Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday in firxadka ay sameeyeen Al Shabaabkii laga saaray Buuraha Gal gala ay galeen deegaanada ay kataliyaan Maamulada dariska kana codsaday inay soo wareejiyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA”ID EE CABDIWELI GAAS QABTAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here