Dhageyso: Madaxweynaha oo soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka

MadaxweynahaMadaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aankii maanta ay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo balan qaaday in uu soo magacaabi doono Ra’iisul wasaare sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo u warramay Warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ugu hambaleeyya sida xilkasnimada leh ee dimoqraadiyadda ku dheehtahay oo ay u guteen xilkooda dastuuriga ah, isagoo xukuumadda xafiiska sii baneyneysa ku bogaadiyay howsha adag ee ay soo qabteen, isla markaana Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono uu halkaasi ka sii wadi doono.

“Soomaaliya way ka soo gudubtay dagaalkii sokeeye, way ka soo gudubtay fowdadii, way ka soo gudubtay xilligii ay si sahlan u kala daadan kartay, maanta waxa ay maraysaa meel ay hay’adaheeda dowladnimda ay si buuxdo u shaqeynayaan, guddoonka baarlamaanka iyo Xidlhibaanada waxa ay muujiyeen dul qaad, karti dheeri ah iyo in ay aaminsanyihiin xalinta mushaakilaadkooda, waa dhab in lakala aragti duwanaaday ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha ayaa xusay in ay albaabadiisa u furanyihiin dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Xildhibaannada baarlamaanka ee codka kal soonida kala laabtay iyo kuwa taageeray xukuumadda intuba, waxaana beesha caalamka uga mahadcelinaynaa sida ay nooga war sugeyn, maadaama ay iyagu qabeen wal wal, balse wal walka intaas ayuu maanta ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhawaan uu soo magacaabi doono Ra’iisul wasaare cusub si loo sii ambo qaado howlihii ay qabatay xukuumadii Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan dowladda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD

1 COMMENT

  1. shacabkeenu waxoow maray muddo aad u adag isagoo qalbiga gacanta ku haayay waqtikastana sugaayay sideey arrini ku dhamaan doonto.
    maanta waxaa soo idlaaday khilaafkii jiray waxaana soo gabagabeeyay baarlabaanki waxaa illaaheey mahadiis ah in aan shisheeye na soo fara gelin madaxda wadankuna way ka dhabeeyeen in iyagu arintooda ku dhameeysan doonaan iyadoon cidina soo fara gelin taasna waa ku mahad sanyihiin.
    maanta waxaa waajib ah in si sharaf leh loo sagootiyo dowladii cabdiwali waayo waxeey soo shaqeeyeen waqti culus.
    waxaa kaloo waajib ah in aan amarkaan lagu fasirin guul iyo khasaaro waayo dhamaan madaxda wadanku waxeey gudanaayeen waajib saaraa waana u adeega shacabka soomaaliyeed.

    waxaan sugeeynaa ra,iisulwasaare cusub waxaana illaaheey ka baryeeynaa inoow noqdo mid anfaca dalkeena diinteena iyo shacabkeenaba, illaaheeyna isqabqabsi dambe nooma soo celiyo

    galab wanaagsan iyo anigoo leh
    mr key soomaaliyo soomaalibaa leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here