Dhageyso: Madaxweynaha oo Ogolaaday in la hakiyo Mooshinka

madaxweyne_xasan_baydhabo16Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya isagoo kala hadlay Xaalada Mooshinka Baarlamaanka horyaala ee R/wasaare Cabdiweli Shiikh laga keenay.

Xildhibaanadii la kulmay Madaxweynaha waxa ka mid ahaa Cabdi Bare Yuusuf Jibriil oo isagu ka mid ah kuwa kasoo horjeeda Mooshinka isagoo ka warbixiyey kulankaasi.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ogolaaday hakinta Mooshinka laga keenay R/wasaaraha ee Baarlamaanka horyaalla.

Hore Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa lagu sheegay mid lagu hakinayey Mooshinka inta khilaafka baarlamaanka la xalinayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN CABDI BARE YUUSUF JIBRIIL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here