DHAGEYSO: Madaxda dowladda oo lagu casuumay Arooska 18-jir ku jira Xabsiga dhexe oo Jeclaaday gabar

Gudoomiye madaaleGuddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ballan qaaday in uu bixin doono dhaqaalaha ku bixi doona xaflad Aroos oo loo dhigaayo wiil 18-jir ah oo ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo labo sanno ka hor la soo xiray isagoo dhaawacan balse dhaqan celin loo sameeyay nolal cusub ay u billaabatay.

Taliyaha ciidamada asluubta Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa isagoo la hadlayay saxaafadda kaddib markii xabsiga dhexe ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda sheegay in wiilkaas 18-jirka oo labo sanno ka hor isagoo dhaawac ah la keenay xabsiga dhexe, haddana ay u billaabatay nolol cusub.

Wiilkan yarka ah ayaa ka mid ahaa dhallinyaro laga soo aruuriyey waddooyinka kuwaasoo halkaas ku dayacnaa kana mid ahaa carruurta loo yaqaano Koola dhuuqa.

“In arooskiisa aan kawada qeybgalno ayaan rabnaa oo dhacdo weyn in ay noqoto ayaan rabnaa oo la arko in dowladda ay wax barbaarin karto” ayuu yiri Taliyaha ciidamada asluubta Jeneraal Bashiir.

Wuxuu sheegay in wiilkan iyo kuwa kale oo badan oo ku jira xabsiga dhexe in dhaqan celin loo sameeyay oo la dajiyey guryo gaar ah oo wax la baro xittaa si nolol cusub loo tuso.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in duqa Muqdisho uu ballan qaaday in arooska wiilka yer ee darbi jiifka ahaa uu ku deeqi doono Kun dollar ($1,000).

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha ciidamada Asluubta Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac

Xigasho: Soomaalikabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here