Dhageyso: Maamulka Puntland oo Shacabkiisa ku yiri Feejignaada

2014124635261438326876121GaasMadaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan dhalinyarada udagaalameysa Al Shabaab hadii ay isa soo dhiibayaan.

Madaxweyne Gaas oo saxaafada kula hadlayey Magaalada Garowe waxa uu sheegay inay weli fursad siinayaan dhalinyarada la khalday ee Shabaab ku jira sida uu hadalka udhigay in maamulkiisa soo dhaweynayo dagaalkana uu sii socon doono inta Al Shabaab laga soo afjarato jiritaankooda.

Cabdiweli Cali Gaas waxa uu shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay ku caawiyaan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab hiil iyo hoo intuba markastana garabka shacabka ay ubaahan yihiin.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Puntland sheegay kadib markii uu ka warbixiyey dagaal seddex maalin qaatay oo ka dhacay Buuraha Gal gala guulo badana inay gaareen shaaciyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND GAAS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here