Dhageyso: Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay Xukuumada Cusub

Shariif HasanMaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya loo magacaabay.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay inay taageersan yihiin xulashada uu sameeyey R/wasaare Sharma’arke wasiirada uu magacaabayna yihiin kuwo Tayo leh.

Xasan Cabdi oo ah Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in wada shaqeyn la yeelan doonaan Wasiiradaasi la magacaabay.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxa uu xalay oo magacaabay Golaha Wasiirada ka mid noqonaya Xukuumadiisa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA MAAMULKA K/GALBEED XASAN CABDI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here