Dhageyso: Maamulka G/Hiiraan “Waa Been AMISOM Deefoow Dagaal Uma joogto”

col-620x330Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isxaaq Cali Cabdulle oo kusugan Magaalada B/weyne ayaa waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Ciidan katirsan AMISOM ay qeyb ka qaadanayaan Dagaal beeleed dib uga bilowday Deegaanka Deefoow.

Waxa uu Taliyuhu sheegay inaysan jirin Ciidanka Itoobiya oo ay ka war qabaan in Deefoow ay ujoogaan garabsiinta Dagaal maleeshiyo beeleed halkaasi ka socda.

Taliye Isxaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ciidan Itoobiyaan ah oo laga yaabo Xaduuda inay joogaan ay og yihiin laakiin aysan ogeyn Askar Itoobiyaan ah oo dagaal beeleedka Deefoow inay qeyb ka qaadanayaan.

Dhawaan ayaa waxa Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ku Eedeeyeen Ciidanka Itoobiya inay garab siinayaan Maleeshiyadii laga saaray Deefoow hadana ay dagaalka qeyb ka yihiin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA BOOLISKA GOBOLKA HIIRAAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here