Dhageyso: Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Qaraxa Caawa dhacay

Qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhig boolisk oo ku yaalla magaalada Nairobi
Qarax ka dhacay Muqdisho

Shir jaraa’id uu goor dhaweyd ku qabtay Barxada Iskaashatooyinka ee Degmada Xamar Weyne Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey qaraxa caawa ka dhacay Degmada X/weyne.

Cali Seeko ayaa wax laga xumaaday ku sheegay qaraxa caawa ka dhacay Barxada Iskaashatooyinka mid muujinaya guuldarada ay shabaabku gaareen oo ay hadda usoo jeesteen maqaayadaha shaaha laga cabo waa sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir fariin udiray Shacabka Soomaliyeed isagoo ka dalbaday inay kusoo wargeliyaan ninkii gaariga qarxay goobta uga tagey laamaha amaankana lasoo socodsiiyaan.

Qaraxa ayaa waxa uu Cali Seeko xaqiijiyey in 5 qof ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen isagoo shacabka Soomaliyeed ugu laab qaboojiyey in amaanka la sugayo iyaguna ay is dejiyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID UU QABTAY CAAWA CALI SEEKO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here