Dhageyso: Maamulka Deg.Afgooye oo ka hadlay qarax ka dhacay Halkaasi

da

Maanta waxay warbaahinta Al Shabaab qoreen in Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Afgooye dhinaca Amniga Xuseen Jibriil dhaawac ugeysteen kadib weerar qarax loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuuro oo lala eegtay.

Warkaasi waxa beeniyey Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Amiin Maxamed Cusmaan isagoo sheegay in qaraxa lagu tuuray meel cidlo ah wax khasaaro ka dhashayna aysan jirin.

Taliye Amiin Cusmaan ayaa sheegay inay Ciidanka Amaanka Degmada Afgooye ay wadaan baaritaano ku aadan soo qabashada kooxihii saaka qaraxa ka fuliyey Degmadaasi.

Amiin Maxamed Cusmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inay Xaalada Degmada Afgooye tahay mid nabad ah marka laga soo tago in mararka qaar ay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay Shabaabka soo qaadaan isagoo beeniyey in Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Degmadaasi dhaawac uu soo gaaray.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA SALDHIGA BOOLISKA DEGMADA AFGOOYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here