Dhageyso: Kulan Hadda ka socda Degmada Cadale & Wafdi Q.M ah oo Tagey

Cadale

Wafdi ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobeey ayaa waxay maanta gaareen Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyey Degmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Cadale Muxuyadiin Suudi ayaa saxaafada usheegay inay Wafdigaasi gaareen Cadale duhurnimadaana ay kulamo la qaadanayaan.

Waxyaabaha ugu horeeya ee Maamulka Degmadaasi iyo Wafdiga Qaramada Midoobey ka hadlayaan ayaa waxay tahay Xaalada dadka ku dhaqan Degmada Cadale iyo Amniga Deegaanka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA DEGMADA CADALE MUXUYADIIN SUUDI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here