Dhageyso: Kudhawaad 20 Wasiir oo ku yiri Is Casil R/wasaare Cabdiweli

Somalia’s Interior Minister protests against new agreement on South West State
Somalia’s Interior Minister Abdulahi Godah Bare

Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay soo jeediyeen in Xilka uu iska Casilo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo wareysi siiyey Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa saaka waxa uu sheegay in wasiiro uu isaga ka mid yahay ay warqad u qoreen R/wasaaraha Dalka ayna ku yiraahdeen waa inaad is Casishaa.

Wasiirada inkastoo uusan magacaabin hadana waxa ka mid ah baa la leeyahay sida wararka aan ku helayno Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Shiikh Xasan Xaamud,Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane,Wasiirka Arimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre,Wasiirka Arimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiro kale.

C/llaahi Goodax Barre ayaa u cuskaday warqada ay R.wasaaraha ku yiraahdeen is Casil maadaama uu lumiyey kalsoonidii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeysay Madaxweynaha iyadoona sidoo kale uu sheegay in 140 Xildhibaan ay Mooshin ka gudbiyeen R/wasaaraha taasina ay ka dhigan tahay in mooshinkaasi uu ku dhacayo.

Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya ayaa noqday Bishaan mid aad usoo shaac baxay oo xitaa ay Caalamka ku baaqeen in Xal la gaaro walaw in lasii kala fogaado mooyaane isku soo dhawaansho aan la dareemeyn.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIR GOODAX OO ARIMAHAAN KA WARAMAYA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here