Dhageyso: Kudhawaad 100 Askari oo laga dilay Axmed Madoobe

Axmed-Madoobe-Qardho-374x300

Sargaalka uqaabilsan Al Shabaab Gobollada Jubbooyinka ninka lagu magacaabo C/raxmaan Xudeyfi ayaa waxa uu sheegay in dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo ay ku dileen kudhawaad 100 Askari oo Maamulka Axmed Madoobe U Shaqeynayey.

Inkastoo Codka sargaalkaasi lagu baahiyey Internet-ka oo aan lasoo bandhigin cadeymo muujinaya in Askartaasi tirada intaa la eg lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay hadana waxa jirta in guulo ay ka sheegteen shabaabku dagaalkaasi.

Xudeyfi ayaa sheegay in Dagaalada Xoogooda ay ka dhaceen Tuulooyinka Yoontooy iyo weliba Buula guduud oo duleedka Kismaayo ku yaalla waxaana uu sheegay in 60 Askari kabadan ay ku dileen dagaalkaasi dhaawacana uu intaasi kabadan yahay,10 gaadiidna ay ku gubeen inkastoo khasaaraha dhankooda soo gaaray uusan sheegin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SARGAALKAASI U HADLAY URURKA AL SHABAAB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here