Dhageyso: Khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Culimada Ahlusuna

AhlusunnaDhawaan ayaa waxa xilka laga qaaday Gudoomiyihii golaha Fulinta Ahlusuna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Shiikh C/risaaq Maxamed Cali (Ashcari) kadib markii la sheegay in cod loo qaaday.

Shiikh Cumar Shiikh C/qaadir oo ah gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna ayaana shir gudoominayey kulankii xilka looga qaaday Sh.C/risaaq Al Ashcari.

Waxay xilka qaadistaasi keentay khilaaf hoose oo udhaxeeyey Ahlusunada Gobollada dhexe inuu banaanka usoo shaac baxo ayna hawada isku mariyeen mas’uuliyiinta qaar hadalo Xanaf leh.

Shiikh C/llaahi Gureey oo ah Kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusuna Waljamaaca ayaa waxa uu kasoo horjeestay xilka qaadistaasi maadama uu ku sheegay in aan loo dhameyn.

Waxa uu C/llaahi Gureey ku Eedeeyey Shiikh Cumar Sh C/qaadir iyo Xubno la safan ay abuureen khilaafka hadda ka dhex jira Ahlusuna sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN KA DIYAARINAY KHILAAFKA AHLUSUNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here