Dhageyso: Jabuuti oo Beenisay inay taageereen beel kusugan G/Hiiraan

19495

Iyadoo maanta rabshad ka dhacday B/weyne Duleedkeeda oo ay gacanta iskula tageen ciidanka AMISOM ee Jabuuti ka socda iyo Maleeshiyo Beeleed kusugnaa deegaanka Ceel gaal.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Jabuuti ee Kusugan B/weyne Korneel Ibraahim Cali Faarax ayaa sheegay inay been abuur tahay warar si khaldan loo faafiyey oo sheegayey inay taageereen beel ka mid ah kuwii ku dagaalamay dhawaan Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey.

Wareysi uu Galabta siiyey Korneel Ibraahim Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa cod dheer ku sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen inay Nabada ka qeyb qaataan oo aysan u imaan inay kala taageeraan Soomaalida beelaheeda.

HALKAAN HOOSE KA DAHGEYSO WAREYSIGA LAGA QAADAY KORNEEL IBRAAHIM OO JOOGA B/WEYNE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here