Dhageyso: Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Jowhar

Howlgallo_Baladweyne_2Ciidanka dawlada Soomaaliya ayaa waxay shalay galab ilaa xalay howlgalo ballaaran ka sameeyeen Magaalada Jowhar iyadoona lagu soo qab qabtay howlgalkaasi tiro dad ah haba ubadnaatee dhalinyarada.

Howlgalka ayaa ahaa mid amaanka lagu xaqiijinayey sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka ku hogaaminayey howlgalkaasi.

Dadka ayaa waxa laga soo xiray Xaafada Hantiwadaag oo howlgalka xoogiisa laga sameeyey iyadoona waalidiinta qaar ay sheegeen in carruurtooda dembi la’aan xabsiga loo taxaabay.

Wariye katirsan Idaacada Asal ayaa saaka oo Sabti ah mar uu tagey Saldhiga Degmada Jowhar waxa uu soo arkay waalidiin haween iyo rag iskugu jiray oo albaabka saldhiga buux dhaafiyey kuwaasi oo raadinayey carruur laga soo xiray xalay oo howlgalka lagu soo qabtay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AADAN X– USEEN DAA”UUD INOO DIYAARIYEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here