Dhageyso: Howgal Ballaaran oo laga sameeyey Muqdisho

Muqdisho oo ay ka socdaan howgalo
Muqdisho oo ay ka socdaan howgalo

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo garab ka helayey Ciidanka AMISOM ayaa waxay xalay ilaa saaka howgalo baaritaano ah ka sameeyeen Xaafado ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Howgalka ayaa xoogiisa laga sameeyey Xaafado katirsan Degmada Wadajir waxaana halka loo yaqaano Siliga Ameerikaanka ay ciidanku kasoo qab qabteen tiro dad ah.

Saraakiisha howlgalkaasi horkacayey waxay sheegeen in Amaanka lagu xaqiijinayey waxaana lasoo qabtay dad kudhaw 20 qof.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Siliga Ameerikaanka degmada Wadajir ayaa waxa uu sheegay in ciidanka mudada ay howgalka ku jireen uu hakad ku jiray dhaq dhaqaaqii dadka,ganacsiga iyo Gaadiidka intuba.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Amni xumo ay weli ka jirto qeybo katirsan Muqdisho waxaana jirtay dilal iyo qaraxyo ka dhacayey maalmahan dambe Gobolka Banaadir.

HALAKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN KUSAABSAN HOWLGALKAASI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here