Dhageyso: Hanti dhowaha”Waan Cabsaneynaa,Shaqadii Hakad ayey Gashay”

4455-620x330Waxa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr Nuur Jimcaale ayaa waxa uu kaga hadlay Shirkiisa Saxaafadeed Arimo kala duwan.

Dr Jimcaale ayaa sheegay in Xanibaad lagu hayo Shaqada ay Dalka uhayeen isagoo ku Eedeeyey Xanibaadaasi inay ka dambeeyaan Maamulka Madaxtooyada Soomaaliya.

Hanti dhowrka Guud ee Dalka ayaa sheegay in Shaqaalihii lasoo xisaabtami lahaa Wasaaradaha loo diiday maanta oo Talaado ah inay Madaxtooyada gudaha ugalaan,waxa uu sheegay Xalay in isaga qudhiisa loo diiday madaxtooyada Baabuur uu watayna la dhibaateeyey.

Dr Nuur Jimcaale waxa uu sheegay in Dalkaan la dooneynin in la isla xisaabtamo ayna hadda ka baqayaan in loo dilo shaqada ay hayaan waxaana uu ka codsaday madaxweynaha iyo R/wasaaraha inay arintaan soo faro geliyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN CABDULLAAHI DIYAARIYEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here