Dhageyso: Gudoomiyaha X/Weyne “Qaraxa waxa ku dhintay 5 Qof”

187

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo goor dhaweyd abaare 8:19 daqiiqo shir jaraa’id ku qabtay Barxada Iskaashatooyinka ee Degmada Xamar Weyne ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey qaraxii ismiidaamin ee caawa ka dhacay halkaasi.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu qarxiyey Barxad Iskaashatooyinka ee kasoo horjeeda Ex Fiyoore iyadoo gudoomiyaha uu sheegay in 5 qof ay ku dhinteen mana jiraan buu yiri dad ku dhaawacmay.

C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa ku Eedeeyey gaariga Ismiidaamiyey inay soo abaabuleen Ururka Al Shabaab waxaana uu sheegay in dadka ay waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen shaqaalihii maqaaxida ee ku taallay Guriga Hooyooyinka meel udhaw.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA DEGMADA XAMAR WEYNE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here