Dhageyso: Gudoomiyaha Cusub ee Jowhar “Nabada waa furaha”

Gudoomiyaha Jowhar Kalaay Cali MuudeeyGudoomiyaha Cusub ee Maamulka Degmada Jowhar Kalaay Cali Muudeey ayaa waxa uu ballan qaaday inay ku dadaali doonaan sidii Nabad looga dhigi lahaa degmada Jowhar.

Gudoomiye Muudeey ayaa shacabka Soomaaliyeed ee deggan Jowhar ugu baaqay inay kala shaqeeyaan sidii Nabada looga shaqeyn lahaa oo la isku uur fiyoobaan lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Degmada Jowhar inay alle ku maneystay Shacabka reer Jowhar Barwaaqo badan oo Beero ah loogana baahan yahay laga faa’iideysto.

Hadalkaan ayuu Maxamed Cali Muudeey (Kalaay) uu ka jeediyey Munaasabad shalay lagu soo dhaweeyey isaga iyo Xubno kale oo Gobolka Sh/dhexe loo soo magacaabay oo ka dhacday degmada Jowhar.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA CUSUB EE JOWHAR KALAAY CALI MUUDEEY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here