Dhageyso: Gen Muungaab Xamar bur iyo biyo ayaa loo kala bixi doonaa

General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir
General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Munaasabad lagu taageerayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Haween, Dhalinyaro, Fanaaniinta Qaranka ee Hobalada Waaberi, Odayaal, Aqoon-yahano, siyaasiyiin uu ka mid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, Xildhibaanno,Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa si aad ah loogu muujiyay sida ay u soo dhaweynayaan magacaabisgta guddoomiyaha cusub, waxaana dadkii ka qeyb galay munaasabadaasi ay u rejeeyeen guddoonka cusub ee gobolka in uu la imaan doono isbadallo dhab ah oo xagga amniga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cabdi Jiinow Calasow oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in guddoonka cusub ee gobolka ay iska kaashan doonaan sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulllaahi Maxamed Nuur oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in ay ka filayaan in waxqabad balaaran uu la yimaado.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee xilliga dowladdii KMG ahayd Prof Cali Maxamed Geedi oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir ee loo magacaabay Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaana uu ugu baaqay in uu wax ka qabto dhinacyada ammaanka iyo bilicda Caasimadda.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo soo xiray munaasabadda ayaa waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada loo muujiyay, waxaana uu balan qaaday in waxqabad muuqda uu la imaan doono islamarkaana uu fulin doono baaqyada dadka ay u jeedinayeen oo ku aadan horumarinta iyo sugida ammaanka.

Jeneraal Muungaab ayaa intaa ku daray inuu la dagaallami doono kooxaha jidgooyooyinka dhiganaya ee dhibaataynaya shacabka iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.

Fanaaniinta Hobollada Waaberi iyo bar baarta gaashaaman ayaa goobta munaasabadda ay ka socotay ku soo bandhigay suugaan ay ku soo dhaweynayaan guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo howlaha horyaalla.
mungab

Dhageyso General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here