Dhageyso: Galmudug oo si kulul uga jawaabtay Eedeyn uga timid Puntland

galmudugqKuxigeenka Duqa Gaalkacyo qeybta Galmudug maamusho Cusmaan Cadceed Cilmi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu si kulul uga hadlay war kasoo yeeray dhigiisa Puntland ee Wuqooyiga Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay inay been abuur tahay warka sheegaya in dad ka tagey Koonfurta Gaalkacyo ay amni daro ka geystaan Maamulka Puntland qeybta Gaalkacyo.

Cusmaan Cadceed waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Yacquub Cabdulle mid aan laga fiirsan uuna ku doonayo dhibaato iyo kala qoqob kale uu ka dhex abuuro Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu Cusmaan Cadceed Cilmi sheegay inaysan jirin shakhsiyaad katirsan Shabaab oo deegaanada Galmudug maamusho kusugan beeniyeyna in Xarumo shabaabku ku leeyihiin Gaalkacyo qeybteeda Koonfureed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MAAYAR KUXIGEENKA K/GAALKACYO CUSMAAN CADCEED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here