Dhageyso: Galmudug oo dhex dhexaadineysa B/badeed dagaalamay

DIGITAL CAMERA

Bartamaha Magaalada Gaalkacyo waxa shalay iskahorimaad uu ku dhexmaray Maleeshiyaad kawadatirsan Koox Burcad badeed Somali ah oo is afgaran-waa soo kala dhex galay.

Waxa ku dhintay dagaalkii shalay 3 qof uuna ka mid ahaa Cali Duulaa oo isagu saraakiisha Ugu caansanaa Burcad badeeda Soomaalida qeyb ka ahaa waxaana ku dhaawacmay dagaalkaasi kudhawaad 7 qof oo shacab iyo Maleeshiyaadkii dagaalamay isugu jiray.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug qeybta Galmudug State maamusho Aweys Cali Siciid ayaa waxa uu sheegay inay dhex dhexaadin ka dhex wadaan maleeshiyaadkii dagaalamay isagoo hadalkiisa intaa raaciyey in odayaal labada dhinac ah ay uxilsaareen arintaasi dhameynteeda.

Aweys Cali Siciid waxa uu sheegayaa inay ku dadaalayaan inaysan mar kale dagaal kii shalay oo kale ah inuusan ka dhicin Koonfurta Magaalada Gaalkacyo khasaaro dembana uusan geysan.

Iskahorimaadka waxa uu ka dambeeyey baa la yiri markii la isku fahmi waayey lacag madax furasho ahayd oo laga qaatay Wariye Mareykanka udhashay oo Afduub ahaan kooxda dagaalantay uheyseen Talaadadiina lasii daayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAEGYSO CODKA AWEYS CALI SICIID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here