Dhageyso: Feysal Cali Waraabe oo Baaq udiray Xasan Sh.Maxamuud

waraabeGudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa waxa uu hambalyo udiray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya go’aankii shalay ay ka qaateen Xukuumadii uu hogaaminayey Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Waxa uu Feysal ugu baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu dhageysto siyaasiyiinta fikradaha ay soo bandhigayaan si uu usoo magacaabo R/wasaare dadka iyo dalkaba anfaca.

Feysal Cali Waraabe ayaa mar la weydiiyey talada uu ujeediyey madaxweynaha in hadii isaga loo soo jeediyo uu qaadan lahaa iyo in kale isagoona ku jawaabay shakhsi ahaantiisa in talo wanaagsan uu ka qaadanayo siyaasi walbo.

Waxa uu ku cel celiyey in qofka markii uu madax yahay ay tahay inuu dadka dhageysto fikradaha wanaagsana qaato.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO FEYSAL CALI WARAABE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here