Dhageyso: Faah faahin weerarkii Caawa lagu qaaday Xarunta Radio Gaalkacyo

DSC01829Xaalada Wariyeyaal ku dhaawacmay caawa weerar lagu qaaday Xarunta Radio Gaalkacyo ayaa waxa la sheegay inay kasoo yara wanaagsanaaneyso kadib markii qaraxyo lagu beegsaday.

Koox Hubeysan ayaa labo qarax bambaanada gacanta lagu tuuro ku beegsadeen Xarunta Radio Gaalkacyo oo ku taalla Wuqooyiga Magaaladaasi.

Labo Wariye ayaana ku dhaawacmay qaraxyadaasi oo kala Ah C/llaahi Yare iyo Wariye Shiine waxaana firir kasoo gaaray qaraxyadaasi ay hadda ujiifaan cusbitaalka Gaalkacyo oo lagu daweynayo.

Maxamed Cali Siyaad oo ka mid ah Wariyeyaasha Radio Gaalkacyo ayaa waxa uu ka warbixiyey qaraxyada caawa lagu tuuray isagoo kusugnaa Caawa markii qaraxyada lagu weeraray Xaruntaasi.

Waxa uu Wariye Siyaad sheegay in maalmihii dambe ay dareemayeen Cabsi ah hanjabaad dad aysan garaneyn usoo gudbiyeen oo shaqaalaha qaarkood ay ku yiraahdeen waan idin beegsaneynaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA LAGA QAADAY WARIYE MAXAMED CALI SIYAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here