Dhageyso: Faah faahin Qaraxii ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho

DHAAWACWararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Qarax maanta Barqadii ka dhacay Xaafada Xamar Bile ee Magalaada Muqdisho waxaana kasoo baxaya warar ka duwan sidii xogta lagu bixiyey qaraxa markii uu dhacay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidanka Booliska Soomaaliya halka markii hore la sheegay in AMISOM la qarxiyey.

Ciidanka Booliska ayaana rasaas ooda ka qaaday markii la qarxiyey waxaana qaraxa ku dhintay hal qof oo oday Xaafada Xamar Bile Degamda Wardhiigleey Caan ka ahaa laguna magacaabi jiray Khaliif iyadoo 5 kalena ay ku dhaawacmeen oo labo Shacab ahaayeen seddexna ay Askarta Booliska yihiin.

Mid ka mid ah dadkii meesha qaraxa uu ka dhacay kusugnaa tageyna Cusbitaalka dhaawacyada la dhigay ayaa waxa uu ka warbixiyey qaabka qaraxa uu udhacay iyo Xaaladu siday Noqotay markii qaraxa uu dhacay kadib.

HALKAAN HOOSE KA DHAEGYSO WARARKII UGU DAMBEEYEY QARAXA KA DHACAY MUQDISHO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here