Dhageyso: Faah faahin kasoo baxeysa Qarax Xalay ka dhacay Deg.Jowhar

QARAX-CopyXaalad deggenaasho ayaa saaka laga dareemayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe iyadoona qarax xalay uu halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca bambaanada gacanta laga tuuro waxaana lala eegtay Gaari Nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan oo Askar katirsan dawlada Soomaaliya la socdeen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sh/dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye oo la hadlay Idaacada Asal ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Waxa uu sheegay Khaliif Cabdulle Carfaaye in howlgal ay sameeyeen kadib qaraxa markii uu dhacay,mana jirin dad howlgalkaasi lagu soo qabtay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARARKII UGU DAMBEEYEY QARAXA XALAY KA DHACAY JOWHAR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here