Dhageyso: Faah faahin Duufaantii Shalay Raage Ceele

duufaanWaxaa shalay Duufaan ay ku dhufatay Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe waxaana duufaantaasi kaso baxaya warar dheeraad ah waxyeelada ay geysatay.

Cabdifitaax Macalin Cabdulle oo ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan Raage Ceele waxa uu sheegay in Saameyn weyn ku reebtay Duufaantii shalay ku dhufatay.

Waxa uu Dabeyshaasi sheegay inay 20 ruux ku dhaawacmeen waxaana ku baaba’ay 86 Guri waxaana dadka dhaawacyadu ay soo gaareen uu Cabdulle sheegay inay aheyd jiingadaha guryaha iyo Alwaaxdii oo ku dhacay.

Xaalada ayaa waxay maanta tahay mid deggan iyadoona Maamulka Degmadaasi ay codsadeen in caawimaad deg deg ah lala soo gaaro dadka ay Duufaanta ku dul habsatay Raage Ceele.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA CABDIFITAAX MACALIN OO WAXGARADKA RAAGE CEELE KA MID AH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here