Dhageyso: Duulaan ay ku dhawaaqeen Maamulka Gobolka Sh/dhexe

ciileey

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Cali Ibraahim (Cali Ciileey) ayaa waxa uu sheegay inay isku diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan deegaanada ay Al Shabaab weli kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Cali Ciileey ayaa sheegay in duulaankooda uu yahay mid ay Al Shabaab kaga saarayaan meelaha ay weli ka joogaan Gobolkaasi isagoo tibaaxay in Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wargeliyeen in Runridgood iyo Aadan Yabaal ay maalmaaha soo socda la wareegi doonaan.

Gudoomiye Cali Ciileey ayaa sheegay inay Awood u leeyihiin ciidankooda oo ay la socdaan Kuwa AMISOM qabsashada Shabaab deegaanada ay ka joogaan Gobolka Sh/dhexe maadama uu sheegay ay raashin qeybin ciidankooda ka sameynayaan iyo gurmad galbin deegaano katirsan Gobolka deriska la ah ee Hiiraan.

Sidoo kale Cali Ibrahaim (Cali Ciileey) ayaa ka warbixiyey dib udhis ka socda gudaha Jowhar oo waddooyin bur bur ka muuqday hadana laga dayactiray taasina ay qeyb ka tahay howsha maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu qabtay mudada kooban.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA CALI IBRAAHIM (CALI CIILEE) OO KA MID AH MAS”UULIYIINTA MAAMULKA SH/DHEXE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here