Dhageyso: Duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay Xubno katirsan Shabaab

Duqeyn

Afhayeenka Maamulka Kumeel gaarka ah ee Jubba C/naasir Seeraar ayaa faah faahin ka bixiyey weerar Duqeyn diyaaradeed loo adeegsaday oo Saraakiil Al Shabaab ah lagula beegsaday Deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay la duqeeyey Fariisimo Xarakada Al Shabaab ku leeyihiin deegaanada Yoontooy,Janaay Cabdalla iyo Cabdalla Biroole oo dhamaan ku yaalla duleedka Kismaayo.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in khasaaro Xoogan uu soo gaaray Al Shabaabkii diyaaradaha Kenya ay gantaalada ku garaaceen.

Mar la weydiiyey in khasaaro shacab ay kasoo gaareen duqeyntaasi ayuu C/naasir Seeraar tibaaxay in waxyeelo dad rayid ah kasoo gaarin weerarkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA C/NAASIR SEERAAR

Al Shabaab ayaa iyagu weli wax war ah kasoo saarin hadalka kasoo baxay Maamulka Jubba ee sheegayey in Duqeyn loogeystay saraakiil Shabaab ahaa ay waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac ay kasoo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here