Dhageyso: Diinta maxay ka qabtaa Meydad in wax lagu barto?

DSC04252

Maamulka Jaamacada Soomaaliya ee Somali International University (SIU) ayaa waxay kusoo bandhigeen Shalay Talaadadii Meydad ay ugu talo gashay in Ardaydu ku baraatikeeyaan.

Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Jaamacada Somali International University (SIU) Yaxye Cali Ibraahim ayaa waxa uu sheegay inay Meydadkaan ku wax baran doonaan Ardaydad Jaamacadaasi dhigata si Aqoontooda dhinac walbo uga dhisaan.

Wasiirka wasaarada hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Ducaale Adan Maxamed ayaa waxa uu Hambalyo iyo bogaadin udiray Maamulka Jaamacada (SIU) Laababka Cusub ay soo kordhisay isagoo wasiirku hadalkiisa intaa ku daray inay Wasaaradooda gacan qaban doonto Jaamacadaha Dalka ku yaalla.

Shiikh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culimada Soomaalidu aadka utaqaano ayaa waxa uu sheegay inay dembi tahay in meydka qof lagu baraatikeeyo sida uu sheegay diintana ay xaaraantimeysay Arintaasi in la sameeyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN IDINKA DIYAARINAY ARINTAASI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here