Dhageyso: Dhaawaca Wariye C/risaaq Black & Wararkii U dambeeyey

blck

Wararkii ugu dambeeyey ee dhaawaca soo gaaray Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) ayaa waxay sheegayaan in Saalada Qaliinka la saaray Duhurnimadaan oo dhaawaciisa lala tacaalayo.

Wariyaha ayaa Xabado dhowr ah waxay kaga dhaceen baa la yiri Caloosha waxaana wariyeyaal ku booqday Cusbitaalka Madiina ay sheegayaan in weli xaaladiisa aysan ogaan karin Dhaawaca C/risaaq Balck.

C/risaaq Black oo ah Agaasimaha Tv-ga Somali Channel Xafiiska Magaalada Muqdisho waxa la sheegayaa in lagu weeraray meel ku dhaw gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Blacksea ee Degmada Hodan.

Wariye Munasar Maxamed Cabdi oo ka mid ah Saxafiyiinta kusugan Cusbitaalka Madiina ayaa waxa uu sheegay in weli Saalada qaliinka Cusbitaalka Madiina uu saaray yahay Dhaawaca Wariye C/risaaq Black.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WARIYE MUNASAR OO JOOGA CUSBITAAL MADIINA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here