Dhageyso: Deeq la gaarsiiyey Barakacayaasha jooga Garoonka Diyaaradaha Jowhar

DSC02737

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Cusmaan (Caqiil) ayaa waxa uu maanta gaaray Duleedka Degmadaasi oo ay kusugan barakacayaal aad ubadan.

Waxa dadkaasi barakacayaasha ah lagaarsiiyey deeq Maacuun ah iyadoona gudoomiye Caqiil uu sheegay inay dadkaasi ubaahan yihiin in guryahoodii dib loogu soo celiyo.

Maxamed Amiin Cusmaan Caqiil oo wareysi siiyey Idaacada Asal ee Magaalada Jowhar ku taalla ayaa tibaaxay inay muhiim tahay in dadkaasi la gar gaaro oo baahida heysata ay aad u badan tahay.

Kudhawaad 4,000 qoysas barakacayaal ah ayaa hadda kusugan Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kuwaasi oo xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah ay ku heysato.

Dhinaca Kale wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in cabsi laga dareemayo xaafadaha Jowhar taasi oo ka dhalatay Kor shub uu keenay Webiga Shabelle xilli Roobabkii ay ka curteen Gobolkaasi Shabellaha Dhexe.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARARKII UGU DAMBEEYEY JOWHAR AAN KA WAREYSANAY WARIYAHEENA AADAN X– USEEN DAA’UUD 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here