Dhageyso: Dawlada oo sheegtay in Khamri lagu Iibiyo Aden Cade Airport

DSC07092

Waxaa shalay sida aad la socotaan Muqdisho gaar ahaan Fagaaraha Iskool Boliisiyo lagu bur buriyey labo Kunteenar oo ay ka buuxeen dhalooyinka Khamriga.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Axmed Cali Daahir ayaa isagoo ka hadlayey Fagaaraha lagu bur buriyey Labadaasi Kunteenar ayaa waxa uu sheegay inay ka warqabaan Muqdisho meelo ka mid ah oo lagu iibiyo maandooriyaha Khamriga.

Axmed Cali Daahir ayaa magac dhabay in garoonka diyaaradaha Muqdisho Ee Adan Cade Airport lagu dhex  iibiyo dhalooyin Khamri ah isagoo sheegay inaysan ogolaan doonin arintaasi ayna xiri doonaan meelahaasi khamriga lagu iibiyo sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA AXMED CALI DAAHIR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here