Dhageyso: Darawal Shil geliyey Ciidanka Jubba oo la Raadinayo

micraphone

Shil gaari ayaa waxa uu saacado ka hor ka dhacay Kismaayo waxaana gaari uu la rogmaday Ciidan katirsan Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe Hoostago.

Maxamuud Khaalib oo kamid ah Saraakiisha ciidanka Maamulka Jubba ayaa sheegay in xaaladooda ciidanka qaar ay aad u liidato dhaawacyada ay qabaan.

Khaalib waxa uu sheegayaa inay 13 Askari ku dhaawacmeen shilkaasi 5 ka mid ah askartaasi dhaawacooda ayuu ku sheegay mid aad uliito.

Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa waxay sheegeen in hadda la raadinayo darawalkii gaariga waday marka ciidanka uu shilka galayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA JANERAL MAXAMUUD KHAALIB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here