Dhageyso: Danjire Ameeriko “Al Shabaab Shacabka Kenya ayey nagu dirayaan”

Cali-Ameeriko-3-300x200Safiirka Soomaaliya ufadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin weerarada shacabka lagu beegsanayey ee maalmihii dambe ka dhacayey gudaha dalkaasi.

Danjire Ameeriko ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Dawlada Soomaaliya in Al Shabaab ay uga goleeyihiin weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya inay ku doonayaan iska horkeenida shacabka ku dhaqan dalkaasi iyo kuwa Somaliyeed ee dalkaasi jooga.

Waxa uu Maxamed Cali Ameeriko sheegay inay dawlada Kenya kala hadleen arintaasi sidii looga hortagi lahaa oo Al Shabaab meel looga soo wada jeesan karo.

Sidoo kale Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxa uu sheegay inay ku dadaali doonaan sidii dadka Soomaaliyeed loo bad baadin lahaa hadii ay kacdoon shacabka Kenya ka qaadaan weerarada Al Shabaab ugeysaneyso.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN YUUSUF NUUR XIIREEY INOO DIYAARIYEY

rr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here