Dhageyso: Dad Dhuxul Ka dhoofinayey Baraawe oo la Xiray

markab-620x330Ciidanka Meliteriga ee kusugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dad dhuxul ka dhoofinayey Dekada Baraawe.

Sargaal katirsan¬†Meliteriga ee kusugan Degmada Baraawe oo lagu magacaabo Shuceyb ayaa sheegay in hore Mas’uuliyiin katirsan Dawlada ay Amar kusiiyeen in Dekada Baraawe dhuxul laga dhoofin karin taasi oo dad jebiyey Amarkaasina ay gacanta ku dhigeen.

Waxa uu Shuceyb sheegay inay sidoo kale tageen guri lagu keydiyey Dhuxusha oo la doonayey in laga soo daabulo gacantana ku dhigeen raggii ganacsatada ahaa ee Dhuxushaasi dhoofinayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SARGAALKAASI LA YIRAAHDO SHUCEYB

Bilo ka hor waxa tagey Barawe Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir kaasi oo sheegay in Dhuxul si sharci daro ah looga dhoofinayey Dekada Macmalka ah ee Baraawe ayna Amar ku bixiyeen in hadda kadib la dhoofin karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here