Dhageyso: D.F Soomaaliya oo shaacisay Xilliga uu ka furmayo Muqdisho Shirka IGAD

logo-somaliaWaxaa farxad u ah Umadda Soomaaliyeed in muddo ka badan 25 sano Somaliya lagu qabto Shir Caalami taasi oo hadda la dareemayo in Xamar oo Caasimada dalka ah in wax ay marti gelin karto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa waxa uu sheegay in berri oo ku beegan 10 Janaayo 2014 magaalada Muqdisho uu ka furmayo Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Gobolleedka IGAD ayna dawlada Soomaaliya diyaar garow ballaaran ugashay marti gelinta shirkaasi.

Waxa uu Daa’uud Aweys sheegay in Shirka uu socon doono muddo hal maalin ah waxaana looga hadli doonaa guud ahaantiisba Arimaha Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya waxay la tegi doontaa qodobo ay ka mid yihiin sida Arimaha Amniga,Siyaasada,Dib uheshiisiinta iyo Xiriirka kala dhaxeeya Waddamada ku bahoobay IGAD.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA DAA”UUD AWEYS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here